Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo shacabka Somaliyed ku war galisay in Bari dib loo bilaabi doono shaqada. Sawiro

0

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Taliyaha hay’adda socdaalka jinsiyadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in maalinta beri ah oo ku beegan 12-ka July 2020 dib loo bilaabi doono bixinta baasaboorka oo markii hore loo hakiyey, sababo la xiriira cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus oo ka dilaacay dalka.
Taliye Maxamed aadan koofi ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed u Rajeeyay Barwaaqo, waxa uuna sheegay in ay heli doonaan Pasaporka, waxa uuna ku amaanay shaqaalaha in goobihii laga qaadan jiray, Pasaporka dadka imaanaya ay si fiican ugu shaqeeyaan, ayna u fududeeyaan Pasapork


Taliye Maxamed aadan koofi ayaa saakay waxa uu shirar kala duwan kula yeeshay, shaqaalaha Xarumaha laga qaato Pasaporada, waxa uuna kula dardaarmay in ay shaqada dardar galiyaan, maadaama bilo aan shacabka soomaaliyeed loo shaqayn.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Taliyaha Socdaalka ee soo gaaray Bogan ayaa u Qornaa sidaan

Qoraalka ka soo baxaya hay’adda ayaa waxaa ugu horreyn lagu war-geliyey Ummadda Soomaaliyeed in beri oo Axad ah dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka, iyada oo la raacayo talooyinka caafimaadka, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka Covid-19.

Sidoo kale waxaa warkan lagu sheegay in xarun kasta ay qaabi doonto kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray oo ah 50%.

Hadaba iyadoo laga taxadarayo waxyeelada caabuqa COVID-19 waxay Hay’addu soo saartay hab cusub oo laga doonayo muwaadiniintu in ay raacaan, wuxuuna noqonayaa sida soo socota:
-Xaruun kasta oo baasaboorka laga bixiyo waxay qaabili doontaa kala bar tiradii hore loogu qaabili jiray (50%)
-Muwaadin walba oo imaanaya Xarumaha bixinta Baasaboorka waxaa laga doonayaa in uu xiranaado Af-xir (MASK) iyo Gacmo-gashi (Gloves) marka uu soo galayo xaruunta iyo inta uu gudaheeda ku jiro.

-Qofkasta waa inuu ilaaliyaa masaafada kala fogaanshaha ( Social Distance) iyadoo qof walba laga doonayo in uu istaago barta loo calaamadeeyay ama loo tilmaamey.

Dhanka kale, codsiyada baasaboorka ee muwaadiniinta ku nool Gobolka banaadir oo tiro ahaan ka badan deegaanada kale awgeed, waxaa loo Diyaariyay labada xaruumood ee baasaboorka laga bixiyo oo mid waliba qaabili doonto codsiyada muwaadiniinta degan degmooyinka raacsan sida:-

1:-XARUNTA CABDICASIIS (Dhismaha Wasaaradda Kalluumeysiga): waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 8- Degmo oo kala ah: -Cabdicasiis, KAARAAN, HILIWAA, SHIBIS, SHANGAANI, BOONDHEERE, XAMARWEYNE, YAAQSHIID.

2:- XARUNTA HODON (Guriga Shaqaalaha):- waxay qaabili doontaa codsiyada muwaadiniinta ku nool 9-Degmo oo kala ah : -HODON, WAABARI, WARTA-NABADA, WADAJIR, KAXDA, DEYNIILE, HOWLWADAAG, XAMAR JAJAB, DHARKEYNLEEY.

Ugu dambeyn, HSJ waxey ka codsaneysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay nidaamka iyo hababka cusub dhowraan, isla markaana la shaqeeyaan howl-wadeenada naftooda huraya ee u adeegaya waqtiga adag.

Saacaddaha qabashada araajida waa: 8:00am – 12:00 pm

Abdihakiim Elmi Hassan
Nairobi Kenya

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here