Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda Somaliya oo xarun ka furtay Degmada Baraawe Sawiro

0

Wararka ka imaanaya Degmada Baraawe ayaa sheegaya in halkaas Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  Somaliya ay xarun cusub ka furtay halkaas.

kulan si wayn loo soo abaabulay oo uu goob joog ka ahaa K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Somaliya  Xasan Cabdulqaadir Maxamed, ayaa Xariga looga jarayay Xaruntaas.

Xafiiska cusub ee Bixinta Baasaboorka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xaruntii ugu horaysay ee laga furo halkaas, tan iyo markii ay dhacday Dowladii dhexe ee Soomaaliya.

K/xigeenka Agaasimaha Guud Md, Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay gaareyso degmooyin badan laba gaarsiinaayo adeegga Baasaboorka si bulshada loogu dhaweeyo adeegyada kala duwan oo ay bixiso Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda HSJ,

Munaasabadda xarigga looga jarayey Xafiiska cusub Ee Baraawe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Laanta 3aad ee HSJ Md, Cumar Xaaji, Gudoomiyaha Degmada Baraawe Md, Cumar Shiikh Cabdi Taliyaha Saldhiga Degmada, Gudiomiyaha Ururka Haweenka Marwo Maryan Mukhtar, Ururka Dhalinyarada iyo Odayaasha dhaqanka ee Degmada baraawe.

sidoo kale Ugu dambeyn, Maamulka Degmada Baraawe iyo shacabka deegaanka ayaa si weyn usoo dhaweeyay in Hey’adda Socdaalka iyo jinsiyadda ay ka furto Degmada Baraawe Xafiiska Bixinta Baasaboorka, iyagoo sidoo kale sheegay in ay si dhaw ula shaqeyn doonaan. Xafiiska cusub ayaa u adeegi doono dadka ku sugan Degmada Baraawe iyo nawaaxigeeda iyagoo maanta wixii ka dambeeyo ay ka heli doonaan Baasaboorka Soomaaliya.

Cabdixakiin Cilmi Nairobi

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here