JAMAAME (DAYNIILE.COM)-Diyaarado nuuca qumaatiga u kaca ah ayaa la soo sheegayaa inay waraaqo digniin ah ku daadiyeen Magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose,kana tirsan deegaanada hoos taga Maamulka Jubaland.
Diyaaradahaan oo ay leeyihiin ciidamada Xooga ayaa ku soo aadaya xilli Ciidanka Dowlada iyo kuwa Jubbaland ay wadaan guluf dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab.,sida Jamaame oo ay Alshabaab gacanta ku hayaan.
Warqadaha digniinta ah waxaa ku qoran digniin ku socota shacabka Magaalada Jamaame taasoo fareysa inay isaga baxaan Magaaladaasi,si gaar ah waxaa shacabka lagu wargeliyay inay ka ogaadaan meelaha Alshabaab saldhigyada ku leeyihiin.
Qoraalka Digniinta ah waxay muujinayaan inuu jirto weerar dhanka cirka ah oo ay ciidamada Cirka Somalia iyo kuwa saaxiibada la ah ay qorshenayaan inay ka geystaan magaaladaasi Jamaame ee Gobolka Jubada hoose.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
