Hirshabelle oo ka hadashay Aragtideeda ku aadan Sharciga doorashooyinka.

 

Hirshabelle oo ka hadashay Aragtideeda ku aadan Sharciga doorashooyinka.

Cali Cabdullahi Xusseen ( Guudlaawe) Madaxweyne kuxigeen Dowlad Goboleed Hirshabeele ahna Kusimaha Madaxweynaha ayaa cadeeyey mowqifkooda ku saabsan doorashada soo socota oo Madaxda Dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay noqoneyso mid qof iyo Cod ah.

Cali guudlaawe waxaa uu xusay in ay taageerayaan,isla markaana raali ka yihiin howlaha uu hayo Gudiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo kulamo wacyi gelin doorashoyinka ah ka wada Dowlad Goboleedyada ka jira dalka.

Sidioo kale waxa uu cadeeyay in Dowlad Goboleedka Hirshabeele ay ayidsantahay (taageersan tahay) sharciga doorashooyinka oo dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka dowlada federalku meel mariyeen isla markaana Madaxweynuhuna saxiixay.

Hayeeshee waxaa xusid mudan Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland oo uu khilaaf kala dhaxeeyo Dowladda Soomaaliya ayaa dhaliileen kana soo horjeesteen Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay ansixiyeen labada Gole ee Dowladda sidoo kalena uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne kuxigeen Dowlad Goboleed Hirshabeele ahna Kusimaha Madaxweynaha Cali Cabdullahi Xusseen ( Guudlaawe) waxaa uu ka sheegay kulan looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka oo lagu qabtay Magaalada Jowhar.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064