Hogaamintu kiliya maahan in aad tahey nin go’aan adag leh, badalkeed, hogaaminta saxdaa waxaa weeye go’aanka aad qaadaneysid maantay micnaha iyo dhadhanka uu yeelan doono birito in aad maantay qiyaasi kartid……..

Maaha markii ugu horeysay ee dalkeenu helo hogaamiye qaata go’aamo aan birito gadmin.. waxaana ka mid ahaa dagaalkii 77 iyo saaristii Midowga Soviet……oo labada ahaa qar iska tuurnimo. Waxaa sidoo kale ka mid ahaa si aan xukunka u joogo- dadka waa in la laayo inta iga soo horjeedana laga duqeeyo cir iyo dhul intaba…

Go’aamada qaldan waxaa ka mid ah in kasbashada Abi Ahmed ay kaala weynaato kasbashada dadkii Somaliyeed ee ku doortay shalay rajo badan’na runtii kaa lahaa aana ku jiray anigu… Go’aamada qaldan waxaa ka mid ahaa iyadoo lagu lee yahey Ogaadeen aynu nabad ku raadino in aad gashid kuna soo jabtid wilina aad guul u heysatid…

Dalkeena iyo dadkeena daal badan ayaa ka muuqda ay keentay go’aamo badan oo horey loo qaatay kuwaas oo aakhirkii galaaftay dowladnimadii, waxaana is leeyahey markale u’maanan baahneyn. …In markale dib loo doorto madaxweyne Farmajo waxey ina dhaxalsiin doontaa in nala yiraahdo Addis ayaa caasimad inoo ah…..

Waxaan rajeynayaa intaas iney inooga ekaato hogaamiye qaata go’aamo dalkaan markale God ku rida 🙏🙏🙏🙏

Caam Caam

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here