HomeWarkiiHogaamiyaha Iiran oo ku hanjabay inuu ciqaabi doono Mareykan iyo Yuhuud

Hogaamiyaha Iiran oo ku hanjabay inuu ciqaabi doono Mareykan iyo Yuhuud

TEHRAN (DAYNIILE.COM)-Hogaamiyaha Sare ee Iran Ali Khamenei ayaa si adag uga hadlay weerarkii habeen hore Mareykanku ku soo qaaday dalkiisa isagoona inta badan adeegsatay ereyo hanjabaado u badan.

Ali Khamene wuxuu sheegay inay ciqaabi doonaan wax uu ugu yeeray cadowga Sahyuuniyadda xili uu ka hadlayay weerarkii diyaaradaha Mareykanka ku qaadeen xarumaha nuyukleerka Iiraan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo isna hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay isbedel maamul uu ka dhaca  Dalka Iiran isagoo si cad u sheegay inay iyaga la tahay in meesha laga saaro Hogaamiyaha Sare ee Iran Ali Khamenei

“Haddii taliska Iran ee hadda jira uu awoodi waayo inuu mar kale Iran ka dhigo mid weyn, maxay u dhici la’dahay isbedel maamul?”ayuu yiri Donald Trump

Sidoo kale Madaxweyne IIraan Masoud Pezeshkian ayaa soo hadal qaaday dagaalka uu ku soo biirey Mareykanka iyo weerarka ay IIraan ku soo qaadeen iyagoo adeegsanaya diyaarado casri ah iyo Bambooyinka dhulka hoose wax ka burburin kara.

“Mareykanku waa in ay helaan jawaabta gardaradooda”ayuu yiri Madaxweyne IIraan Masoud Pezeshkian

Dhanka kale Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta Nukliyeerka ayaa sheegtay in aysan jirin warbixino sheegaya in ay kordheen heerka shucaaca ka baxsan goobta ka dib duqeyntii Mareykanka ee goobaha Fordow, Natanz iyo Isfahan.

Dowlada Iran ayaa sheegtay in  ka badan 400 oo qof ay kaga dhinteen dagaalka , ugu yaraana 3,056 kalena ay ku dhaawacmeen tan iyo markii Israa’iil ay weerartay 13-kii June.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -