HomeWarkiiHogaamiyaha Iiran oo Mareykanka iyo Israa'iil ku eedeeyay kumanaanka kun ee dalkiisa...

Hogaamiyaha Iiran oo Mareykanka iyo Israa’iil ku eedeeyay kumanaanka kun ee dalkiisa lagu dilay dibax-yada

A handout picture provided by the office of Iran's Supreme Leader Ayatollah Ali Khamenei shows him addressing a meeting with students in Tehran on November 3, 2025. Iran's supreme leader Ayatollah Ali Khamenei said on October 3, 2025, that Tehran would only consider cooperation with the United States if it changed its policy in the region including supporting Israel. (Photo by KHAMENEI.IR / AFP) / RESTRICTED TO EDITORIAL USE - MANDATORY CREDIT "AFP PHOTO / HO / KHAMENEI.IR" - NO MARKETING NO ADVERTISING CAMPAIGNS - DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTSTEHRAN (DAYNIILE.COM)-Hoggaamiyaha Iiran Ayatollah Cali Khamenei ayaa ka hadlay banaan-baxyadii ka socday dalkiisa wuxuuna markii ugu horeysay qirey in kumanaan dad ah ay ku dhinteen isu baxyadaasi taasoo ay warbaahintu si weyn u tabiyeen.

Ayatollah Cali Khamenei  Khudbad uu jeediyay shala ayuu arintaan kaga hadalay wuxuuna dhamaan eeda dadka la laayay dasha ka saaray Mareykanka inay ka danbeeyaan,sidoo kale mar uu ka hadlayay dadka la dilay ayuu xusay in qaarkood si arxan daro ah loo laayay.

“Kuwa xiriir la leh Israa’iil iyo Mareykanka waxay geysteen khasaare ballaaran waxayna dileen dhowr kun” intii lagu jiray mudaaharaadyadii ruxay Iran in ka badan laba toddobaad, ayuu yiri Khamenei Sabtidii.

Hay’ada ka shaqeysa xuquuqda aadanaha oo Mareykanka laga leeyahay laguna sheegay magacooda HRANA ayaa warbaahinta waxay u sheegeen in dadka ku dhintay banaan-baxyada Iiran ay gaarayaan tiro ahaan 3,090.

Dhanka kale waxaa jira dad tirada dhimashada intaasi ka sii badaniya ,iyadoo arinta ogaanshaha khasaaraha ay aad u adkeysay kadib markii Dowlada Iiran xanibaad ku soo rogtay internet-ka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -