Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayalollah Cali Khamenei, ayaa ku amaanay maleeshiyaadka Basij doorkooda ay ka qaateen xakameynta mudaaharaadyada dalkaasi ka dhacay.

Wuxuu sheegay in qaar badan ay “naftooda u hureen” si ay dadka uga ilaaliyaan waxa uu ku tilmaamay “rabshad”.

Xukuumadda Iran ayaa sheegtay in 50 ka mid ah ciidamada ammaanka la dilay tan iyo intii ay dibadbaxyada bilaabmeen bishii September.

Dibadbaxyada ayaa ka dhashay ka dib markii gabadh lagu magacaabi jiray Mahsa Amini la sheegay in ay ku dhex dhimatay xabsi ay booliiska ku hayeen.

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here