HomeWarkiiHogaamiyaha SSC Khaatumo maxay u dhimi kartaa khilaafka kala dhexeeya mucaaradkiisa iyo...

Hogaamiyaha SSC Khaatumo maxay u dhimi kartaa khilaafka kala dhexeeya mucaaradkiisa iyo Garaad Jaamac

LAASCAANOOD (DAYNIILE.COM)-Sida la wada ogyahay shirkii dhameystirka maamul u sameynta SSC Khaatumo ayaa maanta furmay Magaalada Laas-caanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo Maamulkaba xili mucaaradad xooggan uu kala kulmay siyaasiyiinta mucaaradkiisa ah iyo Garaadka guud ee beeshiisa Garaad Jaamac Garaad Cali .

Haddaba waxay dad badan is weydiinayaan C/qaadir Firdhiye oo ah hogaamiyaha SSC KHaatumo ma ka maarmaa Garaadka madaama uusan iman shirka maanta islamarkaana si cad u diiday qaabka shirkaasi loo ababulay sidoo kale hogaamiyuhu ma maarmaa siyaasiyiinta ka fikir duwan sida Karaash oo ah madaxweyne xigeenkii hore ee Puntland iyo Shiine oo ah iminkaba ah ku xigeenka Hogaamiye Firdhiye madaama ay diidan yihiin sida garaadka gabi ahaanba shirkaani iyo waqtiga uu ku soo aaday.

Marka laga eego in Hogaamiye C/qaadir Firdhiye uu yahay masuulka hada hogaaminaya SSC Khaatumo shaqadiisa siyaasad ahaan wuu wadan karaa madaama wixii siyaasad ah isaga uu ugu xilsaaran yahay meeshey doontaba hala gasheen.

Marka laga eego dhanka midnimada reer SSC Khaatumo iyo aragtida  Garaadka iyo siyaasiyinta oo ah midnimo iyo wada-tashi aan wax ku dhisano waxaa muuqaneysa in Firdhiye kaligiis wax wadi karin xili waliba uusan si rasmi ah kala fadhiisan raga diidan waxa la isku hayo.

Labada dhinac wuxuu midba mid-midka kale ku eedeynaya inuusan daacad u ahayn jiritaanka iyo Dowladnimada SSC Khaatumo,tusaale ahaan mucaaradka waxay ku eedeynayaan hogaamiye Firdhiye inay ku shaqeysaneyo Dowlada Somalia gaar ahaan Madaxweyne Xasan uu ka rabo kaliya inuu SSC Khaatumo ka helo xildhibaano uu ku xisaabtamo halka kooxda ku xeeran Hogaamiyahana ay aaminsan yihiin in Garaadka iyo siyaasiyiinta kalaba ay diidan yihiin in SSC Khaatumo cagaheeda isku taagto.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -