Xeer Hoggaamiye Lr. 47/2025, Tix: 196/2025
Laascaanood, 10 Luulyo 2025- Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali:-
Markuu arkay: Qodobka 1aad, 6aad iyo 14aad ee Axdiga KMG ee Dawladda SSC-Khaatumo
Markuu arkay: Baahida loo qabo dardargelinta hawlaha amniga
Markuu ku qancay: Khibradda iyo aqoonta taliyaha
Hoggaamiyuhu wuxuu go’aamiyey
laga bilaabo maanta oo Tr. tahay 10-ka Luulyo-2025 in G/Sare Maxamuud Baaruuud Xaaji Xuseen loo magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Xasilinta Dawladda Ssc-Khaatumo.
Hoggaamiyaha ayaa Taliyaha oo ah khabiir iyo xeeldheere ciidan, Illaahay uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Dawlad Goboleed-ka SSC-Khaatumo Email: Info@ssckhaatumo.so

