LAAS-CAANOOD  (DAYNIIILE.COM)-Hogaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo ayaa si rasmi ah siyaaasad ahaan u cadeeyay mowqifkooda marka la eego doorashooyinka Puntland kadib mowqifkii dhaqankooda oo iyaguna cadeeyay.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa aqriyay bayaan ay arintaasi ka soo saareen wuxuuna sheegay inaaney shaqo ku lahayn doorasho ka dhacda Puntland oo ay laba Maamul kala yihiin.

Advertisement

Hogaamiyaha wuxuu sidoo kale ku baaqay in la ixtiraamo go’aanka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo

“doorashooyinka Puntland ma jiri doono qof dhankeena ah oo ka qeybqaadan doona:”ayuu yiri Hogaamiye Firdhiye.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ugu danbeyn wuxuu amaanay oo uu bogaadiyay islamarkana taageeray warkii shalay ka soo baxay Isimada dhaqanka Maamulka SSC Khaatumo kuwaasoo cadeeyay inaaney inay Puntland kala madax banaan yihiin.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

 

Previous articleTahriibayaal ku xirnaa Ruushka oo maanta dalka dib loogu soo celiyay
Next articleAskari Kenyan ah oo loo xirey inuu Al-shabaab xiriir la leeyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here