Muqdisho(dayyniiile.com)-Hogaamiyaha Maamulka SSC Qatumo C/qaadir Firdhiye ayaa maanta lagu wadaa inuu ku laabto Magaalada Laas-caanood ee xarunta maamulka SSC Qaatumo kadib maalmo uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Masuulkaan wuxuu la laabanayaa guul weyn madaama hadafkii uu u yimid xamar uu ka mira dhaliyay taasoo ahayd inuu Dowlada ka helo Aqoonsi Maamul ka mida maamulada dalka ka jira.

Advertisement

Magaalada Laas-caanodo ee Xarunta Gobolka Sool waxaa iminka ka socda qaban qaabada soo dhaweynta hogaamiyaha SSC Qaatumo iyadoo lagu wado inay kumamaan shacab iyo masuuliyiin isugu jira  ka qeybgalan soo dhaweynta.

Hogaamiyahaan ayaa la filayaa inuu khudbad u jeeediyo shacabkiisa si uu ugu sharaxo guusha ay ka maamul ahaan xili Maamulka Somaliland uu qaadacay aqoonsiga reer Qaatumo heleen.

 

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here