Hogaamiyaha SSC ee Qatumo  C/qaadir Axmed Firdhiye. ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho iyadoo si weyna loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Adan Abdulle International Airport.

Masuuliyiin Dowlada Soomaaliya ka tirsan iyo shacab badan ayaa ka qeybqaatay soo dhaweyntiisa.

Advertisement

Hogaamiye  Cabdiqaadir Axmed Firdhiye wuxuu ka hadlay soo dhaweyntiisa wuxuuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay soo dhaweynta loo sameeyay.

“inkastoo qofka gurigiisa in lagu soo dhaweeyo uusan u baahneyn hadana  hadii lagu soo dhaweeyo waa qiimeyn iyo xushmad dheeraad ah”ayuu yiri Hogaamiyaha SSC.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ka mida madaxda soo dhaweysay,sidoo kale Hogaamiyahaan inta uu joogo  magaalada Muqdisho wuxuu  wadahadal la yeelan doona madaxda Dowlada Soomaaliya .

Dowlada Soomaaliya ayaa hore mowqifkeeda u cadeysay inay taageero u heyso maamulka Qaatumo ee SSC.

XAFIISKA WARARKA|
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here