Laascaanood, 22 October 2023:- Hoggaamiye Cabdiqaadir Aw-Cali iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta sii diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood, kaddib socdaal shaqo oo ay muddo ku joogeen Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Hoggaamiyaha iyo weftigiisa ayaa soo dhawayn heersare ah loogu sameeyay garoonka diyaaradaha magaalada Laascaanood, halkaas oo uu salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka mida ciidamada Maamulka SSC-Khaatumo.

Advertisement

Hoggaamiyaha oo shacabka la hadlay ayaa ka mahadceliyey soo dhawaynta diirran iyo isgarabtaagga shacabka reer SSC-Khaatumo ay markasta la garab taaganayihiin Maamulkooda.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Madaxweynaha JFS Mud. Dr.

Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal Wasaaraha XJFS Mud. Xamse Cabdi Barre iyo xukuummadda Dan-qaran, casuumaddii iyo soo dhawayntii qiimaha badnayd ee ay Caasimadda ugu sameeyeen sidoo kale aqoonsigii ay Maamulka SSC-Khaatumo siisay Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha ayaa ugu baaqay shacabka SSC-Khaatumo in ay midnimadooda ilaaliyaan, islamarkaana ay koryeelaan qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa socod ku maray qaar kamid ah waddooyinka Laascaanood isagoo salaamay shacabka sharafta badan ee isugu soo baxay fagaraayaasha Caasimadda.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Maamulka SSC-Khaatumo
Email: Info@ssckhaatumo.so

May be an image of 4 people and aircraftMay be an image of 6 people, aircraft and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 11 people, aircraft, suit and textMay be an image of 11 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 11 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 5 people, crowd and textMay be an image of 7 people, aircraft and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 13 people, headscarf, dais and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 3 people, lighting, jeep and crowdMay be an image of 7 people, car and crowdMay be an image of 7 people, car, jeep, road and text that says "AMAL EXPRESS T KO"May be an image of 11 people, dirt bike, motorcycle and roadMay be an image of 6 people, jeep, car, road, street and textMay be an image of 5 people, helicopter, dais and textMay be an image of 9 people and monumentMay be an image of 11 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 3 peopleMay be an image of 11 people and textMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of 3 people and text

Previous articleGargaar maanta mar kale soo gaaray Gaza
Next articleMadaxweynaha Kenya oo sheegay ineysan waxba ka jirin saadaasha Roobabka laga bixiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here