DOXA (DAYNIIILE.COM)-Hogaamiyaha Siyaasada Dagaalyahanda Xamaas ee Reer Falastiin Ismaaciil Haniyaha ayaa tagay Magaalada Doxa ee Xarunta Dalka Qatar wuxuuna booqday Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh C/rashiid Cali Suufi.

Madaxa garabka siyaasadda ee Ururka Xamaas Ismaaciil haniyaha wuxuu Shiikh C/rashiid uga tacsiyeeyay geerida ku timid wiilkiisa C/xamiid Sh. C/rashiid Sh Cali Suufi.

Advertisement

Xaafada Masayla oo ka tirsan magaalada Doxa ee dalka Qadar waxa ka mudan Teendhada tacsida Allaha u naxariistee Cabdixamiid Sheekh Cabdirishiid Cali Suufi waxaana maalmihii ugu danbeeyay halkaasi culumada dunidu u tagayeen sidii ay ugu tacsiyeyn lahaayeen qaariga quraan ee Sheekh C/rashiid Cali Suufi oo dhawaan wiilkiisu geeriyooday.

Hogaamiyaha Siyaasada Xamaas waxaa aad u doon-doonaya sirdoonka Israa’iil waxaana u xaqiijiyay BBC-da tacsi gudashada Mas’uulkaasi  wiil kale uu dhalay Sh.C/rashiid Cali Suufi oo lagu magacaabo C/xakiin Sheekh Cali Suufi oo ku sugnaa goobta.

C/xakiin oo la dhashay wiilka geeriyooday wuxuu intaasi ku daray in Hogaamiyaha Xamaas uu saacad la joogay markii uu u tacsiyeeyay islamarkaana uu maqrib la tukaday.

Sidoo kale waxaa isna la socday Imaaciil Haniya una tacsiyeeyay qoyska reer C/rashiid Cali Suufi madaxii hore ee garabka siyaasadda Xamaas hadana qayb ka ah madaxda uruka kaasoo lagu magacaabo Khaalid Mashcal.

Dhanka kale C/xakiin Sheekh C/rashiid ayaa xusay in Hogaamiyayaasha Xamaas ay degan yihiin Doxa horana ay isku yaqaaneen iyagoo ka mida jameecada Masaajidka uu aabihiis iimaamka ka yahay.

“Ismaaciil Haniyah iyo Khalid Mashcal labadu Sheekha Cabdirishadiid ayey la tukadaan bisha Ramadan taraawiixda iyo tahajudka waana is naqaanay mar hore,” ayuu BBC da u sheegay Cabdixakiin Sheekh Cali Suufi.

GEERIDA QOYSKA SHEEKH CALI SUUFI

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

TACSIDA MADAXDA XAMAAS

.

Previous articleCiidamada Itoobiya oo dhufeysyo ka qotay Degmada Dooloow
Next articleDowlada Somalia iyo Maamulka Puntland maxay ka yiraahdeen Askarta Mareykanka ee laga baadi-goobayo Xeebaha Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here