Home Wararka Hogaankii Hore Ahlu suna oo fasiraad dheeraad ah ka bixiyey sababta ay...

Hogaankii Hore Ahlu suna oo fasiraad dheeraad ah ka bixiyey sababta ay uga baxday Guriceel,Matabaan & Dh/mareeb

Hogaankii hore ee Ahlusuna Waljameeca ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa daaha ka qaadey sababtii ka dambeysay in ciidanka Ahlusuna Waljmeeca ay farujiyaan degmooyin muhiim ah.

Shiikh Isxaaq Shiikh Mursal Xeefow oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee  Ahlusuna Waljameeca ayaa sheegay in Ahlusuna ay taageersan tahay Dowladda Soomaaliya,taasina ay tahay sababta keentay In ay isaga baxaan Degmooyinkii Gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay Dowladda Iyo Ahlusuna ay ku heshiiyeen in uusan dagaal ka dhici Gobolka,taasina ay keentay in ay isaga baxaan Ahlusuna degmooyinkii Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan.

Ururka Ahlu suna ayaa baneeyay dhammaan deegaanadii ay kaga sugnaayeen gobolka Galgaduud halkaasi oo ay la wareegeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir kana tirsan madaxda Ahlu suna ayaa sheegay sheegay ineysan dooneyn dagaal wiil dambe kaga dhinto wax kastana nabad ay ka qaadanayaan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

Get 30% off your first purchase

Got it!
X Get Bar