Gaza (dayniiile.com)-Hogaamiyaha Xamaas oo caawa ka hadlaayay duqeymaha Yuhuuda ka gaysteen isbitaalka Gaza ee shcabku ku jireen ayaa mareykanka dusha ka saaray.

Hogaamiyaha Ismacil Haniya wuxuu daboolka  qaaday in Xasuuqa Caawa uu masuul ka yahay Dalka Mareykanka oo  Israa’il siiyay hubka iyo diyaaradaha shacabkooda lagu xasuuqay.

Advertisement

Isbitaalkaan oo lagu magacaabo Al-Hilaal waxaa saacad gudaheed ku dhintay 900 ruux oo dhamaantood ah shacab reer Falastiin ah kadib duqeyn bini’aadanimada ka baxsan.

“Mareykanka iyagaa leh masuuliyada wweerarka isbitaalka sababtoo ah waa hubka uu sida gardada leh u siinayo Israel,” ayuu yiri Ismacil Haniyeh.

Hogaamiyaha Xamaas Haniyeh wuxuu intaas ku daray weerarkaan iyo xasuuqa ay gaysteen Yuhuudu una gaysteen shacabka isbitaalka ku jirey uu cadeyn u yahay guuldarada ka soo gaartay weerarkii Xamaas ee 7-dii bishaaan Oktoobar ku qaaday Yuhuuda.

Ugu danbeyn wuxuu ugu baaqay shacabka reer Falastiin ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto inay u banaan baxaan sida ay isugu soo baxeen shacabka Ramalah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here