Hoggaamiyeyaasha Masar iyo Kenya oo ka wada hadlay muranka ka taagan biya-xireenka Nile

0

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kulan ay yeesheen waxay kaga wada hadleen muranka ka taagan biya-xreenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile, sida laga soo xigtay saraakiisha Masar.

Labada hoggaamiye ayaa Axaddii ku kulmay maagalada Qaahira, xilli madaxweyne Kenyatta uu ka soo laabtay Faransiiska.

War ka soo baxay afhayeen u hadlay Masar ayaa lagu sheegay in shirka diiradda lagu saaray danaha labada dal gaar ahaan arrinta biya-xireenka Nile.

Kenya ma aysan soo hadal qaadin arrinta biya-xreenka iyadoo ku gaabsatay in madaxda ay ka wada hadleen danaha labada dal, oo ay ku jiraan nabadda iyo ammaanka gobolka, ganacsiga iyo sida ay Afrika wax uga qabaneyso xanuunka Covid-19.

Biya-xireenka ay Itoobiya ka dhiseyso webiga Nile ayaa lagu wadaa inuu quwad koronto siiyo ilaa 65 milyan oo qof oo Itoobiya ku nool.

Masar waxay inta badan biyaheeda ka heshaa webiga Nile, waxayna dhowaan ka digtay in biya-xireenku uu khatar ku yahay biyaheeda.

Kenya waxay korjoogto ka tahay guddi dhexdhexaadin ah oo Midowga Afrika uu u saaray xallinta lhilaafka Masar iyo Itoobiya.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here