XIGASHO LAACIB.NET
Bogga Fichajes ayaa sheegay in kooxda Chelsea ay billowday sahamin ku aaddan suurtagalnimada la saxiixashada tababaraha reer Brazil Filipe Luís, haddii tababaraha hadda ee kooxda, Enzo Maresca, uu u wareego Manchester City.
City ayaa u aragta Maresca kan ugu dhow ee lagu beddeli karo Pep Guardiola sida ay ku taliyeen hoggaanka farsamo ee kooxda Ingiriiska.
Boggu wuxuu tilmaamay in Mariska loo arko dhaxal-sugaha dabiiciga ah ee Guardiola, sababo la xiriira fahamkiisa qotada dheer ee falsafadda ciyaarta Manchester City ee tobannaan sano jirtay, taas oo ku dhisan haynta kubadda, cadaadis sare, dabacsanaan farsamo, iyo awoodda uu u leeyahay horumarinta ciyaartoyda da’da yar isla markaana ilaalinta aqoonsiga cad ee kooxda.
Sidoo kale, warbixintu waxay xaqiijisay in Chelsea ay doonayso qorshe kale oo beddel ah si loo hubiyo xasilloonida mashruuca ciyaareed ee Stamford Bridge, iyadoo Filipe Luís loo arko xulashada ugu muhiimsan, kaddib bilowgii cajiibka ahaa ee uu la sameeyay Flamengo. Wuxuu Flamengo ka dhigay koox awood badan ku leh gudaha Brazil iyo heer caalami, taas oo soo jiidatay indhaha kooxaha Yurub.
Boggu wuxuu intaas ku daray in maamulka Chelsea ay u arkaan Filipe Luís shaqsi casri ah oo hammi leh, lehna fikir farsamo oo soo jiidasho leh iyo karti uu ku hoggaamin karo ciyaartoy da’yar oo rajo leh, taasoo ka dhigaysa ikhtiyaar istiraatiiji ah oo lagu ilaaliyo xasilloonida iyo aqoonsiga kooxda.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in wada-hadalladii lagu cusboonaysiin lahaa qandaraaska Filipe Luís ee Flamengo ay hakad galeen dhawaan, taasoo albaabada u furtay kooxaha Yurub isla markaana siinaysa Chelsea fursad ay ku heli karto beddel diyaarsan haddii Maresca uu baxo.
Ugu dambeyn, Chelsea ayaa doonaysa inay ka faa’iidaysato xaaladdan si ay ula gaarto heshiis hordhac ah tababaraha reer Brazil, iyagoo hubinaya in mashruuca kooxda uu sii socdo iyada oo aan wax firaaqo ah ka dhalan hoggaanka qolka labiska.
XIGASHO LAACIB.NET
