Magaalada “The Hague” ee waddanka Netherlands waxaa xalay xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyay wefdi uu horkacayay Xildhibaan Maxamed Abuukar [Jacfar] oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, soona gaaray dalkaasi shalay.
Kulankan soo dhoweynta Xildhibaan Jacfar oo ay soo qabanqaabiyeen xubno ka tirsan hormuudka Jaaliyada Soomaalida Netherlands wuxuu ahaa kulan si heer sare ah loo soo qabanqaabiyay, waxaanna Xildhibaanku kaga warbixiyay Jaaliyada Soomaalida xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka, isaga oo hoosta ka xariiqay in Dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Shiikh in ay dagaal qaraar la gashay kooxda Alshabaab, ayna qarka u saaran tahay ina y dalka ka sifeyso, sida uu hadalka u dhigay.
C/fitaax Maxamed [Cabdi Hooyo] oo madax ka ah xafiiska isku xira Safaarada Soomaalida Brussels & Jaaliyada Soomaalida Netherland oo kulankaasi ka hadlay ayaa si koobban ugu sharaxay Xildhibaanka xaalada Soomaalida ku dhaqan NL.
Ruqiyo Caddoow oo ka mid ah haweenka hormuudka u ah Jaaliyada Holland, ayaa si kulul u cambaareysay xil ka qaadistii shalay lagu sameeyay Guddoomiye Cali Jeyte, waxeyna ugu baaqday Madaxweynaha Hirshabele Cali Guudlaawe inuu ka laabto xil-ka qaadista Jeyte.
Dadka madasha ka hadlay waxaa ka mid ahaa xubno uu horkacayay Guddoomiye ku-xigeenka dalladda FSAN C/qaadir Cali Nuune, Maxamed Cusmaan Guurre & Zahra Siyaad Naaleeye, waxeyna xubnahani ku booriyeen Xildhibaan Jacfar in Dowladda Soomaaliya ay muhiimada ay siiso wax ka qabashada amniga, horumarinta & tayeynta kaabayaasha dhaqaalaha & sidii loo soo celin lahaa sharciga & kala dambeynta.
HOOS KA DAAWO KULANKA JAALIYADA & XILDHIBAANKA OO DHAMMEYSTIRAN.