Muqdisho (dayniiile.com)-Dhowr Hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen degmada Dharkeeneey ee Magaalada Muqdisho iyagoona gaystay khasaare nafeed oo isugu jira dhimsho iyo dhaawac.

Mid ka mida Hoobiyayaasha ayaa ku habsaday guri uu degan yahay Xildhibaan Soomaaliyeed kaasoo lagu magacaabo Maxamed Keeroow Maxamed xili uu ka maqnaa inkastoo qoyskiisu degan yahay.

Advertisement

Wiiil uu dhalay Xildhibaanka ayaa ku dhintay Madfaca halka  uu ku  dhaawacmay mid kale oo uu adeer u yahay sida ay sheegtay Idaacada Kulmiye.

Hoobiye kale oo ku dhacay dariska Xildhibaanka ayaa sababay geerida hal ruux iyo dhaawaca qof kale taasoo isu geyn dhimashada ka dhigeysa 2 ruux sidaas oo kalan dhaawaca ka dhigeysa 2 kale.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii  Hoobiyayaal ay s ku soo dhaceen xaafado ku dhaw garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho mana jirto cid loo soo qabtay hoobiyayaasha xalay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here