MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Degmooyin ka mida Magaalada Muqdisho waxaa Caawa ku soo dhacay Hoobiyayaal aan si rasmi ah loo ogeyn halka laga soo tuuray walow warar kala duwan ay ka soo baxayaan kuwaasoo qaarkood sheegayaan meelaha laga soo riday.
Meelaha ay hoobiyayaasha ku dhaceen inta la xaqiijiyay waxa ka mid xaafada Warlaliska degmada Dayniile ee Magaalada Muqdisho halkaasoo caawa lagu soo bandhigay mid ka mid ah hoobiyayaasha ku soo dhacay oo aan wali qarxin.
Sidoo kale Hoobiyayaasha dhanka Garoonka diyaaradaha ayaa qaar loo tuuray sida wararka qaar sheegayaan walow aysan wali Dowladu xaqiijin,sidoo kale Garasbaale ayaa ka mid ah meelaha la tuhusan yahay in hoobiyayaasha laga soo tuuray.
Magaalada Muqdisho waxaa aad u soo yaraanayay sanadahaan danbe hoobiyayaashii lagu garaaci jirey garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo xaafadadaha ku dhaw dhaw,si kastaba hoobiyayaasha caawa ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

KAN HALKAAN LAGA SOO RIDAAYO FIIRIYA WAA WAX AAN QELIDIISA LOO ADKEYSAN KARIN-
QALIIJKA IYO IIRAAN IMAADA WAXBAAD OGAAN DOONTAAN KAN WAA CAYAAR CARRUR AH