MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Tiro madaafiic Hoobiyayaal ah ayaa saaka ku dhacay Xaafado ka mida Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijinaya geerida Maamo waayeel ahayd oo mid ka mida hoobiyayaashu ku dhacay gurigeeda xiligii saaka salaada subax laga soo baxay.

Advertisement

Allaha u naxariistee maamada waayeelka ahayd waxaa la sheegay in jirkeeda meelo badan uu dhibaateeyay firirka hoobiyaha markii uu ku habsaday guriga ay daganeyd.

Waxaa jira bur bur soo gaaray guryo madaafiicdaasi ku dhaceen,sidoo kale waxay hoobiyayaashu sababeen argagax iyo shoog dadka qaar wajaheen.

Hay’adaha amaanka ee Dowlada wali wax wara kama soo saarin hoobiyayashaan shacabku wax ku noqdeen xili loo maleynaayo in madaxtooyada lala rabay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleXiisad dagaal oo saaka ka taagan duleedka waqooyi Baladweyne
Next articleMaxaa looga hadlay kulankii ay yeesheen Golaha fulinta Maamulka SSC Khaatumo+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here