Muqdisho (dayniiile.com)-Xaafado ka mida Magaalada Muqdisho waxaa saaka ku soo dhacay tiro hoobiyayaa ah kuwaasoo aan la aqoon halka laga soo riday iyo  cida ka danbeysa inkastoo badanaa Alshabaa ay sheegtaan.

Xaafadaha uu ku soo dhaceen madaafiicdaan ayaa dhamaantood ah kuwa Degmada Wadajir oo uu ku yaal Garoonka diyaradaha Xamar ee Aadan Abdulle international Airport.

Advertisement

Xaafadda Tarabuush oo ka mida Xaafadaha Wada-jir sida ay sheegtay idaacada dalsan ayay si gaar ah ugu dhaceen hoobiyayaashaasi iyadoo aaney jirin wax khasaare nafeed ah maraka la eego wararka horu dhaca ah ee laga helaayo hoobiyayaashaasi.

Jugta iyo dhawaqa Madaafiicdaan waxaa aad looga maqlay degmooyinka Wadajir,Kaxda iyo Dharkeenleey.

Goobaha madaafiicdu ku dhaceen waxaa laga soo wariyay inuu jiro burbur soo gaaray guryaha qaar sidoo kale waxaa macquula in dad shacaba wax ku noqdeen laakiin wax sharaxaad ah lagama hayo.

Dhanka Dowlada wali wax wara kama soo saarin iyadoo inta badan Alshabaab looga bartay inay sheegtaan weerarada nuucaan oo kale ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleFaah-faahin sababta maalintii labaad u xiran tahay buundada liiq-liiqato ee Baladweyne
Next articleCulumaa’udiinka Wajeer oo ka digay gabdhaha baraha bulshada sida xun u adeegsada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here