HomeCiyaarahaHooyada Kylian Mbappé oo ka hadashay eedeymihii kufsiga ee lagu soo oogay...

Hooyada Kylian Mbappé oo ka hadashay eedeymihii kufsiga ee lagu soo oogay wiilkeeda

XIGASHO LAACIB.NETFayza Lamari, hooyada Kylian Mbappé, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay eedeymihii kufsiga iyo weerarkii galmada ee lagu soo oogay wiilkeeda intii uu safarka ku joogay Sweden bishii Oktoobar 2024, isaga oo ay wehelinayeen Nordi Mukiele.

Intii lagu jiray munaasabadda “Demain Le Sport” ee lagu qabtay magaalada Paris, Fayza ayaa sheegtay:

“Markii uu safarka Sweden dhacay, anigu waxaan aaday jasiirad gaar ah si aan ugu soo dabaaldego dhalashadayda 50-aad. Muddo dhowr bilood ah waxaa igu korodhay 12 kiilo, waxaana ahaa qof dhaawacan.”

Waxay sii raacisay:“Waan ku kalsoonaa Kylian, laakiin si toos ah ayaan u weydiiyay: ‘Ma adigaa sameeyay?’

 

Wuxuu igu yiri: ‘Ma dhamaysay hadalladaas aan micnaha lahayn?’”

Fayza ayaa xustay in safarkaasi ahaa safarka keliya aysan iyada qabanqaabin, waxayna tiri:

“Waxaa tan ka dhaxalnay khaladkii aan sameeyay…”

Waxaa xusid mudan in Kylian Mbappé si cad u diiday eedeymahaas, halka maxkamadda Sweden ay xirtay kiiska bishii Diseembar 2024, kadib markii baaritaanno ay muujiyeen in aysan jirin wax caddayn ah oo la xiriiray ku lug lahaanshaha ciyaaryahanka.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -