Wararka naga soo gaaraya Magaalada Oodweyne ee gobolka Somaliland u taqaano Daad-Madheedh ayaa sheegaya in roob xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay halkaasi uu sababay inay Biriq ku dhacdo mid kamid ah Guryaha kuyaalla halkaas, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Biriqda ayaa ku dhacday guri ay ku noolaayeen Qoys ka koobaan 7 ruux, kaas oo kuyaalla inta u dhaxeeysa magaalooyinka Oodwayne Iyo Xaaxi ee Somaliland.

Agaasimaha guud ee Isbitaalka Magaalada Oodweyne Dr. Mustafe Maxamed Biixi ayaa sheegay in Biriqda ay ku geeriyootay Hooyo halka ay ku dhaawacmeen laba carruur ah oo ay dhashay, kuwaas oo mid kamid ah uu dhaawiciisa culus yahay.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in labada carruurta ah ay haatan la tacaalayaan xaaladooda Caafimaad, isla markaana mas’uuliyiinta Maamulka gobolka &kan Magaalada Oodweyne ay ku dadaalayaan sidii dadkaasi u heli lahaayeen daryeel caafimaad.

Saacadaha soo socda ee Maanta ah ayaa waxaa ka filayaa in Magaalada Oodweyne lagu Aaso hooyada dhashay labada carruurta ah ee biriqda ku geeriyootay, waxana ehellada hooyada & carruurteeda booqan doona mas’uuliyiin katirsan Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here