Helsinki (dayniiile.com)-Sida ay sheegtay Idaacada Kulmiye Dab ka kacay guri ay daganaayeen Qoys Soomaaliyeed ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac aad looga murgooday.
Hooyo Soomaaliyeed iyo 4 Caruur ay dhashay ayaa ku geeriyooday gurigaasi dabku ka kacay oo ku yaal Dalka Finland ee Qaarada Yurub.
Ciidamada Booliiska Finland ayaa soo gaaray goobta, sidoo kale waxaa soo gaaray babuurta gar gaarka degdega sida aanbalaasta waxayna qaadeen aabihii dhalay caruurta oo dhaawac uu ka soo gaaray dabka.
Dabkaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay koront waliga agabka loo isticmaalo in la isku kululeeyo marka qabow bada uu ka jiro dalkaasi.
Maaha markii ufgu horeysay oo shilal ceynkaan oo kale ah ay ka dhacaan dalalka reer Yurub iyadoo shilalkaani marara qaar ay soo noqnoqdaan inkastoo markaan waxa dhacay ay yihiin mid aad u naxdin badan in qoys dhan uu ka soo haro aabihii oo isna dhaawac ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM