Nairobi (dayniiile.com)-Kooxo hubeysan ayaa la soo sheegayaa inay Nairobi ku dhex afduubteen hooyo Soomaaliyeed xili ay habeenkii khamiista u sii socotay garoonka diyaaradaha Joma Kenyata.

Hooyadaan oo Somali Kenyaan ah ayaa magaceeda lagu sheegay Hooyo Shankara Aadan Xasan waxaana lagala dagay gaari ay u qaadatay garioonka diyaaradaha Joma Kenyata ay shaqaale ka tahay.

Advertisement

Sida ay sheegtay Idaacada Kulmiye Darwalka haweeneyda siday ayaa u sheegay hay’adaha amaanka inay kaxaysteen haweeneyda sesex nin noo wadatay gaari uuna ku jirey nin xiran dareyska booliiska Kenya.

Darwalka wuxuu sheegay inuusan gaarigaasi lahayn taargo rasmi ah balse uu lahaa lanbar gooni u ah islamarkaana uusan si fiican u arkin.

Saldhigyada Booliiska Xaafada Isiii oo lagu dhex aduubtay ayaa laga raadiyay waxayna dhamaantood sheegeen inaan loo keenin haweeneyda maqan.

Inta badan Soomaalida  ayaa aad u hadal haya hooyadaan oo ilaa iyo khamiistii aan ogeyn meel lala aaday,sidoo kale Xildhibaanada Waqooyi bari laga soo doorto ayaa wada dadaalo lagu baadi goobayo  Hooyo Shankara.

Madaxweynaha Kenya ayaa sidoo kale laga codsaday inuu soo fara geliyo arintaan uuna bixiyo amaro dheeraad ah si  looga badbaadiyo kooxda afduubatay .

Waxaa jira shaki madaama hooyaadaan ka shaqeyso garoonka diyaaradaha Joma Kenyata walibana ay Ganacsina ku leedahay,shakiga ayaa ah arimo ganacsi la xiriira in loo afduubtay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleNin la dhashay Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta oo Xabsiga loo taxaabay
Next articleAl-shabaab oo saaka weerar culus ku qaaday saldhig ciidamada Dowladu ku leeyihiin duleedka Guri-ceel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here