Waa in ay cadaalad heshaa Marxuumad Deeqo Cismaan Shire oo aheyd Hooyo laheyd Uur 9-bilood ah, waxaa maanta Xaafada Saban Saban ee degmada Dayniile ku dilay labo askari oo katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya .

Hooyadan ayaa daqiiqado kadib u geeriyootay rasaasta ku dhacday , waxaana cunuga caloosheeda ku jiray oo la isku dayay inta aysan dhiman hooyada in la bad baadiyo ayaa isna geeriyooday.

Labada askari ee sababta u ahaa geerida hooyadan iyo cunugeeda yar ayaa mid kamid ah la xiray halka midka kalana uu baxsaday.

Ehelada gabadha la dilay ayaana diiday in la aaso gabadhooda iyada oon loo helin cadaalad, waxa ayna codsadeen in lasoo qabto askariga baxsaday sidoo kale midka xirana lagu wareejiyo Laanta Dambi baarista

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here