HomeWarkiiItoobiyaan dembiyo halis ah ka geystay Mareykanka

Itoobiyaan dembiyo halis ah ka geystay Mareykanka

=XIGASHO BBC SOMALI=

Waaxda Arrimaha Gudaha ee Mareykanka ayaa soo saartay liis ay ku qoran yihiin “dad shisheeye ah oo galay dambiyo culus” oo ka dhashay tallaabada maamulka Donald Trump uu ku qaaday dadka soo galootiga ah.

Dambiilayaasha “ayaa ku jira gacanta Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) iyadoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dambiyo kala duwan.

Sidaas awgeed, sawirro siddeed nin oo Itoobiyaan ah iyo hal haweeney ayaa la sii daayay iyadoo lala socdo liiska magacyadooda iyo dembiyada ay galeen, oo ay ku jirto gobolka ay ka soo jeedaan Mareykanka.

Dadka Itoobiyaanka ah waxaa lagu daray liiska dadka ku lugta leh dilal, ka ganacsiga daroogada, dhac iyo dambiyo kale.

Dhammaan dadka la magacaabay ayaa si cad loo xukumay marka laga reebo midkood.

Waxay kala yihiin Enoch Fiqadu, Barakat Mokonnin, Brook Tammirat, Adan Yusuf, Masfin Hussein Nigisti Bayyana, Paul Kidane, Samson Kidane iyo Beza Kabbada.

Dembiyada la sheegay waxaa ka mid ah weerar ay ku qaadeen guryo, wadidda baabuur iyagoo sarkhaansan, dhac, afduub loo geystay carruur, hanjabaadyo argagixiso, weerar hub lo adeegsaday, qaadashada hanti la xaday, addeecid la’aanta amarrada maxkamadda, iyo lacag dhaqid.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -