Muqdisho (dayniiile.com)-Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo Salaam Bank ayaa lacag hal Malyan oo dollar ah ugu deeqay Dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen Fatahaadaha.
Inta badan Gobolada Dalka waxaa laga soo sheegayaa dhibaatooyin ay sheeganayan dadka fatahaaduhu ka barakiciyeen guryahooda iyadoo qaab qaxooti oo kale ugu nool deegaano ka baxsan halkii ay guryaha ku lahaayeen.
Magaalooyinka Buulo-Burde iyo Buurdhuubo oo Hiiraan iyo Geddo ka kala tirsan waxaa gabi ahaanba guryaha ka dul maray biyaha roobka.
Shirkada Hormuud deeqda ay bixisay waxay ku soo aadeysaa xili dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan wax u qabashada dadka ay saameynta ku yeesheen roobabka iyo fataahadaha.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of money and text that says "$1,000,000 Waxaan $1,000,000 Hal milyan dollar) ugu deeqney dadka Somaaliyeed ee ay dhibaatada ka soo gaartay Fatahaadaha ka dhacaya qeybo ka mid ah Gobollada iyo degmooyinka dalka. CSF HORMUUD HRMUDL AAM FOUNDATION hsfsomalia"
Previous articleYuhuuda oo Gaza ku dishay dad ka badan100 ruux meel ku dhaw isbitaalka Kamal Cadwan
Next articleMadaxweyne Xasan oo Caawa Dalka dib ugu soo laabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here