Horraantii bishan, Nin dilaa ah oo markii toddobaad ka baxsaday xabsi ku yaalla Taliyaaniga

0

Horraantii bishan, nin dilaa ah ayaa markii toddobaad ka baxsaday xabsi ku yaalla Taliyaaniga. Waxaa hadda ninkaas laga soo qabtay meel beer ah uu ku dhex dhuumanayay, sida boolisku sheegeen.

Giuseppe Mastini, oo lagu naaneyso “Johnny the Gypsy”, ayaa si kooban oo ku meel gaar ah bannaanka looga bixiyay xabsiga, 6-dii bishan, ka dib ayuu dhuuntay ciidankii ilaalinayay.

Booliska oo billaabay in ay raadiyaan, waxay markii dambe ka heleen meel beer ah oo ku taalla deegaanka Sassari ee Waqooyi-galbeed, Taliyaaniga.

Mastini, oo markii ugu horeysay, ee 1987-dii, ka baxsaday xabsiga, waxaa la sheegay in dembigii ugu horreeyay ee halis ah uu geystay isagoo 11 sano jir ah.

Ka dib markii uu baxsaday, 1987-dii, waxaa la raadinayay muddo laba sano ah, waxaana xilligaa uu dilay mid ka mid ah askartii ku raad-joogtay, wuxuuna afduubtay gabar yar, sidoo kale wuxuu geystay falal dhac ah.

Soo qabashadiisii hadda waxaa ka wada qeybgalay booliska Sassari, Cagliari iyo Rome, waxayna ugu dambeyn gacanta ku soo dhigeen talaadadii.

Mastini, oo bedelay timihiisa si uu booliska uga dhuunto, wuxuu booliska u sheegay in uu rabay “in uu jaceylkiisa soo arko”, balse maysan sii faafaahin.

Markii la qabanayay, ma uusan sidan hub, sidoo kalena ma uusan diidin inuu booliska raaco, sida askarta laga soo xigtay.

Qofka leh beerta uu ku dhuumanayay, Lorenzo Panei, oo 51 sano jir ah, ayaa sidoo kale la xiray waxaana lagu eedeeyay in uu qariyay qof la raadinayay.

Mastini ayaa horey uga faa’ideystay kana baxsaday maamulka. Waxaa ka mid ah mar uu ka baxsaday xabsi ku yaalla Waqooyiga Taliyaaniga

BBC .

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here