Rasaas ay rideen ciidamo katirsan booliska Soomaaliya oo ceyrsanayay nin ay ka shakiyeen ayaa caawa sabab u noqotay kala orod ka dhacay hoteelada ku yaalo xeebta Liido.

Dhowr qof oo ay ku jiraan carruur iyo dumar ayaa dabaqyada iska tuuray halka qaar kale ayaa la dulqaaday, ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay dhaawacyo u badan jabniin carruur iyo dumar ah oo qaarkood la dulqaaday qaarna dabaqyada iska tuuray.

Hadda xaalada waa dagantahay waxaana caadi ku soo laabtay jawiga Xeebta Liido oo ay joogaan dad badan oo ka nasanaya shaqooyinkii iyo dabaal daggii maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here