Xarar-dheere (dayniiile.com)-Sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Xarar-dheere Maxamed Yuusuf howlgal ka dhan ah Alshabaab ayay saaka aroortii ka fuliyeen duleedka Magaaladaani.
Gudoomiyaha wuxuu xusay inay weerar ku qaadeen fariisin weyn oo Alshabaab ku lahaayeen deegaan dhanka Galbeed kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
“Fariisinkii Alshabaab iyo guud ahaan deegaanka waxaa la wareegay ciidamada Dowlada Somalia, waxayna goobta ku dileen 33 khawaarijta ka tirsanaa”ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Yuusuf
Masuulkaan wuxuu intaasi ku daray in Cidamadu hada ku sugan yihiin deegaanka ay duulaanka ku qaadeen islamarkaana ay howlgalo ka wadaan si amniga loo xaqiijiyo.
Gudoomiyaha mar wax laga weydiiyay meydadka inta uu isagu xaqiijin karo, wuxuuna sheegay inuu isagu hogaaminayay duulaanka islamarkaana uu dul istaagay  meydadka 33 Alshabaab ka tirsanaa.
Gudoomiyaha wuxuu dhanka kale sheegay inay baxsadeen intii kale ee alshabaab ahayd marka laga reebo kuwa ay layeen.
“Saaka aroortii 11-ka saac ayay xabadu bilaabatay waana ka guuleysanay,goobtana inaga joogna oo qorshaheenii horaba ahaa inaan ku nagaano oo aan sii baacsano haaraadiga Alshabaab”ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Yuusuf
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleMadaxweyne Xasan oo Magacaabay la taliye sare arimaha Dastuurka
Next articleXildhibaanada Puntland oo iskugu codeeyay mudo kororsi sanad ah+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here