MARKA (DAYNIILE.COM)-Sida goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta dowlada Soomaaliya Hawlgal Qorsheysan oo ka dhan ah Alshabaab ayaa saaka ka socda Gobolka Shabeelaha hoose.

Howlgalkaan oo ka socda eegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa qasaare loogu geystay Alshabaab sida ay sheegtay Warbaahintu Qaranku.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in howlgalkaan ay iska kaashteen Dowlada Somalia iyo saaxiibada Caalamka wuxuuna soo bilowday saaka waabarigii,waxaana lagu bartilmaameedsaday fariisimo alshabaab ku sugnaayeen.
Dagaalyahanada Alshabaab ayaa markii weerarku qabsaday waxaa la sheegay inay  is diyaarinayeen balse gantaalo ayaa ka dul dhacay taasoo goobta ka dhigtay meel lagu kala cararay.
Sida Dowaladu sheegtay khasaare xooggan ayaa soo gaaray alshabaab-kii is diyaarinta ku jiray walow aan warar madax banaan laga heyn.
Saraakiisha Dowlada ee weerarka hogaamineysa ayaa laga soo xigtay in weerarkaani lagu dilay in ka badan 30 dagaalame oo alshabaab ka tiranaa walow dhankooda aysan qiran ama beenin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleMadaxweyne Xasan “waa iska difaaceynaa hadii ciidamada Itoobiya isku dayaan fulinta damacooda badda”
Next articlekhud-booyin laga jeediyay banaan-baxa lagu taageersan yahay heshiiska Turkey iyo Somalia+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here