JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamada Dowlada iyo kuw Hirshabelle oo iskaashanaya ay bariga magaladaasi ka fuliyeen howlgal ka dhan ah kooxda Alshabaab.
Ciidamada isbahaysanayay ayaa ka war helay alshabaab soo galay deegaanka Shamiito oo dhaca bariga Jowhar kadibna waxay ku eekeeyeen weerar qorsheysan xili Alshabaab khasaare lagu garsiiyay sida uu saxaafada u sheegsay Col.Mukhtaar Cabdulle Nuur oo weerarka hogaaminayay.
Col.Mukhtaar Cabdulle Nuur wuxuu xusay in Alshabaab isku dayayaeen inay shacabka deegaanka Shamiito baad ka qaataan laakiin ay weerar ku qaadeen si ay uga hortagaan.
“Alshabaabku waxay caadeysteen inay yimaadaan bairga Jowhar, shacabkana baadaan laakiin marnaba uma dulqaadan doonaan ciidamadu isku deygaasi”ayuu yiri Col Mukhtaar.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
