HomeWarkiiHowlgal Alshabaab lagu laayay oo Saaka laga fuliyay Gobolka Hiiraan.

Howlgal Alshabaab lagu laayay oo Saaka laga fuliyay Gobolka Hiiraan.

Sida lagu shaaciyay Warbaahinta Dowlada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa saaka fuliyey weerar dhabagal ah oo ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday koox Khawaarij ah oo la socotay gaari booyad ah, waxaana halkaas lagu dilay ugu yaraan lix dhagarqabe.

Howlgalkaas ayaa ka dhacay deegaanka Waabweyn ee gobolka Hiiraan, Ciidamada ayaa jidka ugalay dhagarqabayaasha la dilay oo biyo u soo doontay deegaanka, saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaasi uu u dhacay sidii loo qorsheeyey.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa gubay gaarigii booyadda ahaa ee biyaha ay ku soo arooreen, waxaana maanta aaggii uu howlgalkaasi ka dhacay ka socda baacsiga firxadka maleeshiyaadkii duurka ku haray ee dhagarqabayaasha la dilay ay biyaha u sideen.

May be an image of one or more people, rhinoceros and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -