HomeWarkiiHowlgal  Alshabaab looga saaray deegaano hoos taga Janaale +SAWIRRO

Howlgal  Alshabaab looga saaray deegaano hoos taga Janaale +SAWIRRO

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah Ufuliyeen Ururada 144-aad iyo 145-aad ee kawada tirsan Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saaxiibada AUSSOM ayaa lagu sifeeyay Maleeshiyaad katirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Kaaliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le Mustaf Cumar Caalin “Eji-cadde” oo howlgalka hoggaaminayay ayaa Xaqiijiyay inay Libaaxyada Qarankeenna ee October iyo Saaxiibada AUSSOM ay Cagta mariyeen Khawaarijtii gabbaadka ka dhigan-jirtay Tuulooyinka kala ah “Kaaytooy, Mushaani, Majabto, Buulo-arundi, beeraha baay, Malable iyo Siigaale” oo dhamaantood labada jiho ka kala saarran deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -