Xarar-dheere(dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Somaliya iyo saaxiibada Caalamka ay sii xoojiyeen howlgalo qorsheysan oo ay ka wadeen halkaasi.
Howlgalkaan oo ah mid lagu bartilmaameed-sanayo kooxda Alshabaab ayaa ahaa mid dhanka cirka laga duqeeyay, gaar ahaana  duleedka Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.
Deegaanka lagu duqeeyay Al-shbaab oo lagu magacaabo Baraag Cali-guduud ,dhanka koonfur-na 30-KM kaga beegan Magaala Xarar-dheere ayaa la soo sheegayaa in dhibaato lagu gaarsiyay.
Wararka  ayaa tilmaamaya in laba dagaalame laga dilay Alshabaab,sidoo kalana laba gaari laga gubay.
Ma jirto warar dhanka Alshabaaab laga helay oo ka hadlaya weerarkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleXasan Sheekh oo Washington kula kulmay Wasiirada arimaha dibada iyo Difaaca Mareykanka+Sawirro
Next articleMadaxweyne Xasan oo ka hadlay dilka uu gaystay wiilkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here