Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab oo ay wehliyaan ciidanka Nabad sugidda jubbaland ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Turdho iyo deegaanada ku xeeran wabiga jinkiisa ee gobolka Jubbada hoose ku Dilay tiro maleyshiyaad ka tirsan Khawaarijta.
13 ka mid ah Khawaarijta oo uu ku jiro horjooge lagu magacaabo Aruuriyow Maxamed Cumar oo Magaciisa Afgarashada yahay Axmed Sahal ayaa lagu Dilay howlgalkaan.
Advertisement
Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Carab dheeg Axmed ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay xogta dhagar qabayaasha lagu dilay howlgalkaan.