HomeWarkiiHowlgal ay fuliyeen Macawisleyda Degmada Mahadaay oo lagu khaarajiyay sarkaalkii Alshabaab ugu...

Howlgal ay fuliyeen Macawisleyda Degmada Mahadaay oo lagu khaarajiyay sarkaalkii Alshabaab ugu qaabilsanaa Degmadaasi

Sida lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Ciidanka Xaq u dirirka deegaanka ee ka hawlgala degmada Mahadaay ayaa saakay hawlgal qorsheysan ku dilay horjoogihii Khawaarijta u qaabilsanaa deegaanka Ciid Ciidka Jeembilow ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidanka deegaanka ee weerarka ku beegsaday goobta ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Khawaarijta ah, waxay ku dileen horjooge Muxudiin Xasan, oo khawaarijta ugu magacownaa deegaanka Ciid Ciidka Jeeembilow iyo saddex dhagarqabe oo ilaalo u ahaa.

Sidoo kale Ciidanka Xaq u dirirka deegaanka ayaa Khawaarijta kasoo furtay laba qori oo AK-47 ah iyo saanad kale oo ciidan oo ay wateen nabadiidku.

Dhinaca kale Ciidanka xaq u dirirka deegaanka degmada Mahadaay ayaa sheegay inay sii wadayaan hawlgallada ay ku naafeynayaan khawaarijta ku silicsan dhulka hawdka ah ee Gobolka Shabeellada dhexe.

May be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -