Ciidamo ka tirsan Dowlada Somaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ayaa weerar ku qaaday saaka aroortii deegaan aad ugu dhaw Degmada Dhabad ee Gobolka Galgaduud.

Sida ay sheegtay idaacad Kulmiye Ciidamada Dowlda iyo kuwa deegaanka ayaa weerarkaasi ku soo aadiyay xili Alshabaabku meydad ku duugayeen deegaanka lagu weeraray oo 2Km u jira Degmada Dhabad.

Advertisement

Saraakisha Dowlada ayay ka soo xigteen inay laayeen koox ka tirsan dagaalyayaashii Alshbaaab ee ku mashquulsanaa aaska qaar ka mida meydad hore ugu dhintay dagaalada kala dhexeeya Dowlada Somalia.

Ciidamada Dowlada ayaa la wareegay goobta ay duulaanka ku qaadeen halkaasoo ay ka sameeyeen baaritaano dhanka miinooyinka ah.

Dhanka kale ma  jiirto wax war ah oo ka soo baxay  Alshabaab kasoo ay kaga hadlayaam weerarkaan la sheegay in ciidamada looga laayay.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleXOG: Xamza Cabdi-Barre oo Xasan ku taageersan la wareegista awooda Dowladnimada oo dhan
Next articleIsraa’iil oo dib u bilowday duqeyntii Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here