HomeWarkiiHowlgal ciidamada Hirshabelle sameeyeen oo Alshabaab lagu laayay.

Howlgal ciidamada Hirshabelle sameeyeen oo Alshabaab lagu laayay.

Sida warbaahinta u sheegeen saraakiil ciidan oo u hadashay Daraawiishta Maamulka Hirshabelle howlgal ka dhan ah Alhabaab ayay ka sameeyeen deegaanka Qoordheere ee Gobolka Shabeelaha dhexe xili ay garab ka haleen ciidamada Macawisleyda Gobolkaasi.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalka ay fuliyeen kadib markii ay dadka shacabka ah ka heleen xog sheegeysay in Alshabaab ay lacag baad ah ka urursanayeen dadka deegaanka Qoorheere oo asbuuciiba mar suuqyada isugu yimaada.

Alshabaab waxaa howlgalkaani looga dilay ilaa 8 dagaalame sida saraakiisha Hirshbelle sheegeen halka tira kalana laga dhaawacay islamarkaana guud ahaan deegaanka lagala wareegay oo ay iminka maamulayaan ciidamada macawisleyda iyo daraawiishta Hirshabelle.

“Dagaalka aan ku qaadnay deegaanka qoordheere wuxuu ahaa cashir loo dhigay argacaxsad ,waxaan ka kor tagnay iyagoo urursanaya dhaqaale ay shacabka si xoog ah uga qaadanayeen,sidoo kale waxaan ku weerarnay fariisimahooda waxaana gaarsiinay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh”ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamada howlgalka fuliyay

Sarkaalkaasi wuxuu intaasi ku daray in xogta ay dadka shacabka ah ka heleen ay u fududeysay howlgalka sida inay xogta ku ogaadeen tirada dagaalamayaasha deegaanka ku sugnaa xiiliga weerarka ay qaadayeen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -