BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in ciidamada darawiishta puntland ay buuraha Cal-miskaad ka fuliyeen howlgal ay ku beegsadeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacihs halkaasoo ay khasaare badana ku gaarsiiyeen sida ay Puntland sheegtay.
Howlgalak wuxuu si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaan ceelka Rasaqan ee deegaanka Yucrin ee buuraleyda Cal-miskaad.
Wararku waxay tilmaamayaan in howlgalka oo socday saacado lau dilay maleeshiyaad badan oo Daacish ka tirsan kuwaasoo isugu jira ajaanib iyo Soomaaliyeed,Daacisha waxaa lagu eedeeyay inay gabaad ka dhigteen dad shacaba.
Puntland waxay tilmaameysa in lagu jiro dhamaadka Daacish iyo dhamaadka howlgalka Calmis-kaad islamarkaana la guda geli doona dhawaan howlgalka Cal-madow oo isla buuraha Gobolka Bari xili inta badan hada laga saaray Daacish buuraha Gobolka Bari.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
