Howlgal dad lagu qabqabtay oo laga sameeyey Afgooye

Ciidamada Booliska degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa xalay waxaa ay xaafado katirsan degmadaas ka sameeyeen howlgal dad farabadan lagu qabqabtay.

Howlgalka ayaa waxaa uu ka dambeeyey,kadib markii hoygiisa bambaano lagu weeraray Guddoomiye kuxigeenkii Arrimaha Bulshada Shabeellaha hoose Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabey”,isla markaana uu u geeriyooday dhaawac kazoo gaaray bamkii lagu weeraray.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa la sheegay in ay ku qabqabteen dad u badan dhalinyaro,kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Magaalada Afgooye.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka degmada Afgooye ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen in dadka howlgalka lagu qabtay baaritaano kala duwan laga sameeyey,isla markaana la kala saaray welina baaritaanada ay socdaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Goobaha Ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay si caadi ah u socdaan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064