HomeWarkiiHowlgal gaar ah oo maanta ka socda aaga Masaajid Cali Guduud

Howlgal gaar ah oo maanta ka socda aaga Masaajid Cali Guduud

MASAAJID CALI GADUUD (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Macawisleyda ayaa la soo sheegayaa inay goor dhaw oo maanta ah halkaasi ka bilaabay howlgalo ka dhan ah Alshabaab meel aad ugu dhaw Degmada Masaajidka Cali-Gaduud ee Gobolka shabeelaha dhexe.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa laga soo xigtay inay ereyeen Alshabaabkii ay ugu tageeen aagaasi islamarkaana ay sii baacsanayaan oo ay daba socdaan walow aysan sii faahfaahin inay ku wajahan yihiin Masaajid Cali Gaduud iyo in kale.
Sidoo kale saraakiishu kama hadlin wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalka ay la galeen alshabaab gaar ahaan hadii ay jirto dhankooda wax soo gaaray dhimasho ama dhaawac.
Degmada Masaajid Cali Gaduud dhawaan ayay ahayd markii ay  gacan gashay dagaalamayaasha Kooxda Alshabaab kadib dagaal kooban oo ay markii danbe kula wareegeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.CO M
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -