Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen mas’uuliyiinta Maamulka degmada Walanweyn ayaa howlgal isbaaro qaadis ah waxaa ay ka sameeyeen tuulooyin hoostaga degmadaas.

Howlgalka ayaa Ciidamada sigaar ah waxaa ay uga fuliyeen inta u dhaxeeysa degmada Walanweyn iyo degaanka yaaqbari weyne, halkaas oo mararka qaar ay rag hubeysan soo dhigtaan isbaarooyin.

Guddoomiyaha degmada Walanweyn Ismaaciil Sbeekh Abuukar ayaa sheegay in howlgalladaan ay ahaayeen kuwo joogto ah loogana hortagayo maleeshiyaadka mararka qaar dadka ku dhibaateeya isbaarooyinka.

Waxaa uu sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in isbaarooyin sharci darro ah la soo dhigto degmada Walanweyn iyo degaannada hoostaga, isla markaana ciddii soo dhigata ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa qaar kamid ah Bulshada kunool degmada Walanweyn waxaa ay ka cabanayeen rag hubeysan oo duleedka degmadaas dhiganaya isbaarooyin soo boodo ah, kuwaas oo Gaadiidka lacago looga qaadayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here