Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa maanta beegsaday deegaanka Busleey ee hoostaga magaalada Janaale, gobolka Shabeellaha Hoose.Howlgalka ayaa lagu burburiyay isbaaro ay kooxda Khawaarijta AS u adeegsanayeen cabburinta dadka deegaanka, ururinta lacagaha baadda ah, burburinta dhaqaalaha bulshada, iyo xakameynta dhaqdhaqaaqa shacabka.
Hawlgalkan Busleey wuxuu ka mid yahay dadaallada joogtada ah ee ay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Ciidanka Xoogga Dalka ku xoreynayaan goobaha ay Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed. Waa tallaabo kale oo lagu xoojinayo amniga, laguna xaqiijinayo xorriyadda shacabka Soomaaliyeed.



