Howdka Gobolka Jubada Hoose waxaa ka socda Howlgal ka dhan ah Alshabaab kaasoo ay iska kaashadeen Milateriiga Somalia gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo Ciidamada Maamulka Jubaland.
Sida warbaahinta Jubaland iyo tan Qarankaba soo tabinayaan waxaa socda howlgalkaan lagu baacsanayo dagaalamayaasha Alshabaab ee doonaya inay gabaad la dhigtaan howdkaasi.
Ciidamada Iskaaahanaya waxaa la soo sheegayaa inay ka go’an tahay inay aagaasi ka saaraan Alshabaab si amniga deegaanadaasi loo xaqiijiyo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM




