Sida aan ka soo xiganay Warbaahinta Dowlada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyada Sida gaarka ah u tababaran ee Kumaan Dooska Danab ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.Howlgalada oo ahaa kuwa qorsheysan ayay Ciidamadu ku bartilmaaneydsaden goobo lacago baad ah ey Khawaarijtu dadka Shacabka si qasab ah ey uga qaadayeen,
Geesiyada Danab gaar ahaan Ururka 161’aad Guutada 16’aad Ayaa howlgalkan si gaar ah uga fuliyay Deegaanada Warmaxan, Tasxiille, Shareey, 10-Buundo, Tabeellaha iyo aagga Donka.
Saraakiisha hormuudka u ahaa howlgalada ayaa tilmaamay in Ciidamadu ey ku guuleysteen burburinta Fariisimo iyo goobo gabaad u ahaa Khawaarijta
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa kordhiyay howlgalada lagu ciribtirayo Argagixisada.









